Xisbiga Wadani oo ku dhiirigaliyay masuuliyiin inay xilka iska casilaan xukuumada Muse Biixi

Reading Time: < 1 minute

Xisbiga Wadani oo ayaa bilaabay inuu qaato istaraatiijo cusub taas oo ay  ku dhiirigalinayaan masuuliyiin xukuumada Muse Biixi inay iska casilaan mas’uuliyada ay u hayaan Muse Biixi. Isu duwihii wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajoyada ee Gobolka Maroodi-jeex Mursal Maxamed Odowaa ayaa hadda is casilay.

Isu-duwaha ayaa iscasilaadiisa kaga dhawaaqay xaflad lagu taageerayo xisbiga WADDANI oo saaka ka dhacday magaalada Gabilay, waxaanu sheegay in uu ku biiray xisbiga WADDANI.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!