Xisbiga UPD oo Raba inuu Waddo Cusub u jeexo Dowladnimda Somaliya kana Guuraan 4.5

Reading Time: 2 minutes

Xog ay MOL heshay ayaa sheegaysa in Dowladda Xasan Shekh iyo Hamza ay wadaan isbadal siyaasadeed oo keni doono in dalku uu ka gudbo qaabka qabaliga ah ee 4.5 ku saleysan. Xisbiga  UPD oo uu hogaamiyo MW Xasan shekh ka ahaa ayaa waxaa uu ahaa xisbigii ay ku midoobeen xisbiyo dhowr ah oo jiray, ayaa hadda waxaa soo baxaysa in dowladnimada lagu dhiso qaabka xisbiyo kala duwan.

UPD ayaa waxay goosteen inay dowladda ka qeybgelin doonaan xisabiyada jira ee sida NN oo dowladii hore waday iyo kuwa kale sida kan MW Deni uu wato iyo kan uu wato MW Axmed madoobe, si ugu yaraan loo bilaabo inay Somalida ka guurto qaabkan ku saleydan kooxo gaar ah iyo ururro diineedyo siyaasadda ugu jira dano gaar, hasa yeeshee gashan shaati diimeed.

Dabcan xubana ugu badan UPD ayaa lahaaneyso maadaama iyada ay tahay tan dowladda hogaanka u haysa, haddana waxaa la leeyahay waxay ka qeybgelin doonaan dowladda xisbiyada kale ee jira.

Marka loo guuro xisabiyo waxaa abuurmaya inay dad kala duwan oo aan isku qabiil ahayn ama isku urur diimeed ahayn ay dowadda ka wada qeybgalaan iyagoo loo eegayo awooddooda wax qabad.

Arrintaan waa isbadal siyaasadeed oo aad loogu baahan yahay haddii xogtan dhab tahayna waa wax mudan in aad loo soo dhaweeyo oo uu dalka ka guuro qaabkan qabaliga ah ee ku dhisan 4.5.

Xisbiyada badan waxay abuuraan xukun wadaag sida shuurada ah ama dimoqraadiyadda ah. Dimuqraadiyadu waa nooc dawladeed oo ay dadku xukumaan dalka,kuna xukumaan wakiillada  iyaga ka yimid oo ay soo doorteen. Waxayna dawladdu ka fiirsataa ilaalinta doorashada iyo ra’yiga shacabka.

Maadaama nidaamka xisbiyada badan uu fursad u siinayo dadka inay hoggaamiyaashooda ka soo doortaan xisbi kasta oo siyaasadeed oo ay iyagu rabaan, sidaas darteed waxay sidoo kale dhiirigelinaysaa hogaaminta xukun wadaagga.

Haddii xogtan soo baxaysa ay dhab tahay UPD waa xisbigii ugu horreeyey ee  ka dhabeeya siyaasadda hannaanka xisabiyada badan. Ilaa iyo hadda jagooyinka la magacaabay waxaa sida muuqata loogu qeybiyey shaksiyaadka ku jira xisbiga iyagoon loo eegin qabiilkooda. Waxaana rajeynaa inay hirgasho siyaadaan aan xogeteeda helayno, UPD-na ay xoogga saarto ka dhabeynteeda iyo 4.5 ka gudbiso dalka.