Xisbiga Muqtaar Rooboow oo fariin cajiib ah u diray Villa Soomaalia

Reading Time: < 1 minute

Waxa uu Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed  ka dhacay kulan weyn oo loogu duceenayey dadkii lagu xasuuqay Magaalada Baydhabo xilligii Doorashada Maamulkaas ee la xiray Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Boqolaal Qof ayaa isugu imaaday barxad ku taal Magaalada Baydhabo, waxaana halkaas lagu qabtay kulan duco ah iyadoo la qalay 5 Neef oo Geel.

Kulanka oo uu soo qaban qaabiyey Xisbiga Amni iyo Cadaalad oo uu guddoomiye u yahay  Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo hadda u xiran Dowladda ayaa lagu dalbaday inay cadaalad helaan qoyskii laga dilay dadkii ka banaanbaxayey xariga Roobow ee lagu laayey Magaalada Baydhabo.

Dadka isku soo baxay ayaa watay boorar ay ku qornaayeen ereyo loogu duceenayey dadkii Baydhabo lagu dilay, sidoo kalana waxay ku baaqayeen in lasoo daayo Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.