Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (Editorial)

Reading Time: < 1 minute

Xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka oo lagu dhawaaqay maalmo ka hor aya MOL waxaa aay ka diyaarisay  daabacaad qeexaysa hadafka xisbiga iyo waxa uu u taagan yahay. Daabacaada xisbiga UDP ayaan ku soo bandhigeynaa qorshaha xisbiga kuwaaso lagu soo qaaday;

  1. Horumarinta Dhaqaalaha, iyadoo lagu xusay in dhulka Soomaaliyeed uu yahay mid hodan ah balse u baahan qorshe looga faa’iideysto kheyraadka uu eebbe ku maneystay, waxaana ay ballan qaadaan xisbiga UDP in ay leeyahay qorshe fog iyo mid dhow sidii loo horumarin lahaa dhaqaalah dalka shaqana loogu abuuri lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee shaqa la’aanta ay ragaadisay
  2. Xisbiga UDP wuxuu sidoo kale sheegay in ay horumarin doonaan dib u habeyn buuxdana lagu sameyn doono dastuurka dalka sidii ay shacabka Soomaaliyeed u ansixin lahaayeen iyadoo lagu dhaqmaayo nidaamka Federaalka ah si loo helo dowlad si buuxda u hana qaada loona gaaro siyaasad buuxda oo horseed u noqota doorasho xaq iyo xalaal ah.
  3. Xisbiga UDP wuxuu ballan qaaday in uu siin doono ahmiyadda ugu weyn sidii dalka iyo dadka Soomaaliyeed u heli lahaayeen nabadgelyo waarta, iyagoo xusan in amniga uu aasaas u yahay horumarka dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Waxaa xisbiga uu ballan qaadayaa in ay xoojin doonaan hay’addaha amniga sida Booliiska kuwaaso kafaala qaadi kara amniga shacabka Soomaalyeed oo ay dowladda masuul ka tahay

Halka hoose ka akhriso

[googlepdf url=”http://46.101.175.207/wp-content/uploads/2018/10/UPD.pdf” width=”600″ height=”800″]