Xisbi la magac baxay Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda (UPD) ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda lagu dhawaaqo, kaasoo uu hoggaamiye u noqon doono Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Sida wararku sheegayaan Xisbigan ayaa waxaa ku midoobi doono Xisbigii Daljir, Kutlada Horusocod, PDP iyo Siyaasiyiin kale, waxaana xubnaha ugu firfircoon Xisbigan ka tirsan yihiin Baarlamaanka Labada Aqal.
Xisbigan ayaa durba la shaaciyay Astaanta ama uu yeelanayo, iyadoo shirweyne Xisbiga uu isugu imaan doono lagu ansixinayo Dastuurka Xisbiga.
Wararka ayaa sheegaya in Munaasabad weyn oo lagu shaacinayo Xisbiga ay ka dhici doonto magaalada Muqdisho maalinta Khamiista ee soo socota.
Shirweyne ay shalay ku yeesheen magaalada Muqdisho Xisbiga Daljir ayaa waxay ku shaaciyeen inay si rasmi ah ugu biirayaan midow Xisbiyo Qaran oo hal xisbi isku noqonaya, iyadoo dhaqan galkiisa uu bilaabayo maanta oo 30-ka bisha September ah.
Shirar ka socday gudaha dalka iyo dibadiisa ayaa lagu heshiiyay inay hal xisbi ku midoobaan Xubno siyaasiyiin iyo Xildhibaano mucaarad ah, waxaana Xisbigan la filayaa inuu noqdo xisbiga ugu weyn ee mucaaradka ku midoobaan.