Xirsi Jaamac Gaani oo si kulul uga hadlay hadalkii shalay kasoo baxay Golaha Aqalka Sare

Reading Time: < 1 minute

Xirsi Jaamac Gaani  oo ah wasiir dowlaha maadxtooyada Maamulka Jubbaland oo la hadlay warbaahinta  ayaa waxaa uu sheegay in qeyb yar oo ka mid ah Khilaafka u dhexeeyay Dowlada Dhexe iyo Kuwa Maamul Gobaleedyada la xaliyay, islamarkaana waxaa uu tilmaamay in qodobo qaar aan la xalinin.

Wasiirka ayaa sheegay in weli tabashooyin ay jiraan, islamarkaana dowlada Federaalka Soomaaliya ay isku mari la’yihiin qodobo muhiim u ah dowladnimada.

Sidoo kale waxaa uu shaaca ka qaaday in Maamulka jubbaland ay soo dhaweynayaan warmurtiyeedka ka soo baxay aqalka Sare.

Shalay ayay aheyd markii Aqalka Sare ay sheegin in la xaliyay khilaafkii u dhexeeyay Dowlada Dhexe iyo kuwa Maamul Gobaleedyada ka jira dalka.