Xiriirka Puntland iyo Xukuumadda Kheyre oo meel xun gaaray

Reading Time: < 1 minute

Garoowe, oo ay caawa ku suganyihiin Ra’isalwasaare Kheyre iyo Golihiisa Wasiirada waxaa weli xal loo raadinaya  Xaalad Siyaasadeed oo ka dhalatay  dhagax dhiggii Dekadda Garacad.

Arrintan waxay ku bilowmatay Xukuumadda Puntland iyo hogaankeedu kuma farxin in Ra’isalwasaare Kheyre uusan dhagax dhiggin Dekadda Garacad, waxaana jawaabcelinta taasi noqotay in la isku dayo in la baajiyo Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya ee qorshuhu yahay in berito lagu qabto Garoowe

Diyaarada Muqdisho kasoo qaaday Golaha Wasiirada dhowr jeer ayaa la hakiyey, oo ay mar fuulaan marna ka degaan Wasiiradu diidmo kasoo baxaysay xiligaasi Madaxtooyadda Puntland awgeed, Laakiin ugu danbeyn waa ay nabad  yimaadeen Garoowe.

Goluhu wuxuu yimi Garoowe iyadoo ay weli taagantahay dooda la xiriirta in shirka la baajiyo, waxaa jira culays Madaxweyne Gaas ay sii saarayaan Wasiiro qaybtood ku goodiyeen inay iscasilayaan hadii Shirka Golaha wasiiradu qabsoomo.

Si walba , labada dhinac ayaa shirar leh, Ra’isalwasaare Kheyre wuxuu Golihiisa Wasiirada iyo xildhibaano ka tirsan labada Aqal kula shiray hoteel ku yaalla Garoowe, halka Madaxweyne Gaasna uu Golihiisa kula shiray Madaxtooyadda.

Waxaa jira dadaal wax la isugu soodhoweynayo oo ay wadaan xubno isugu jira Wasiiro iyo xildhibaano labada dhinac ah.

Xiisada arrintan la xiriirta waxay sidoo kale sababtay in la baajiyo xafladdii Sanadguurada 20-aad ee Puntland, oo sanadwalba laqaban jiray caawa oo kale.

Habeenku waa socda, su’aalo badan oo jawaab loo raadinayo waa kuwo uu wakhtigu ka jawaabayo.

Wixii kasoo kordha Shir hada socda oo arrintan ku saabsan  qoraalada danbe kula soco.