Xiligii doorashada loo qorsheeyay oo dib u dhac cusub ku yimid, jadwal cusubna la soo saari doono

Reading Time: < 1 minute

Waxaa muuqato in dib u dhac weyn ku yimid xiligii loo qorsheeyay in doorashada ku dhacdo, waxaa hada qasaartay ama la lumiyay mudo bil ah, mana jirto tilaabo laga qaaday in la meel mariyo dhamqaan qodobadii loogu soo   heshiiyay heshiiskii 27 Bish Maajo ee lagu saxiixay magalada Muqdisho.

Arimaha aan wali waxba laga qaban waxaa ka mida; Nabadaynta deegaanada hoostaga Hirshabeela iyo Gobolka Gedo, dhaqaale u uruurinta doorashada oo aan wali gacanta lagu haynin, amniga doorashada oo wali meel aan la isla saarin, deegaan Doorasheedku in laga dhigo hal deegaan oo ah Caasimadaha Dowlad Goboleedyada Caqabad Amni awgeed oo aan wali si buuxda loo shaacin, tirada Ergooyinka oo ay lama human tahay in laga dhigo 51  dhaqaalo daro jirto awgeed.

Waxaa la rumeysan yahay in shirka uu Sabtida shaaciyey ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta ee ay iskugu imaanayaan Madaxda Golaha Wada-tashiga Qaran in wax ka bedel lagu sameyn doono Jadwalka doorashada, taas oo macnaheedu tahay in ugu yaraan labo bilood oo cusub lagu kordhin doono qorshaha doorashooyinka.