Gudiga Doorashada Jubbaland ayaa goor dhaw iclaamiyay xiliga la qabanayo doorashada Madaxweynaha Jubbaland. Qoraal gudiga soo saaray daqiiiqado ka hor ayaa lagu sheegay in ay doorashada madaxweynaha la qabanayo maalinta Isniinta bisha Agoosto tahay 19ka.
Doorashada ayaa la rajaynayaa in ay ka soo qayb galaan kormeerayaal ka socda beesha caalamka iyo madax ka socota Aqalka Sare, xildhinaabo iyo ururada bulshada rayidka.