Xildhibano Iyo Siyaasiyin Ku Beel Ah Raisul Wasaare Kheyre oo Buux Dhaafiyay Madaxtooyada&Xaalka Kheyre oo God Mugdi Ah Ku Dhacay

Reading Time: < 1 minute

 

Sida ay xaqiijinayaan sarakil ka tirsan madaxtoyada soomaaliya waxa socda shirar gooni gooni ah oo ka soconaya xafiiska Raisul Wasaaraha Somaliya.

Wararka aya shegaya in hada ay socdan kulamo wada tashi ah oo masuuliyin ka tirsan dowlada iyo kuwa siyasiyin ah oo ay beel wadaag yihin Raisul Wasaare Xasan Cali Kheyre,waxana wararku ay shegayan in Mudane Kheyre lagu Qancinayo in uu xilka Raisul Wasaaraha uu iska casilo iyado hatan la Daremayo in cadaadis xoogan uu saaran yahay Kheyre.

 

Siyaasiyintan aya rumeysan hadii uu Kheyre iscasilin in uu wajahayo dagaal Siyaasadeed kii ugu adkaa oo abid ka dhaca Soomaaliya iyago usababeynaya in Madaxtooyada aysan ka difaaceynin Baarlamaanka oo dhawan kala fadhigoodu uu furmi doono.
Xildhibaanada Baarlamaanka ee Mucaaradka ah iyo Xildhibaanada taageersan Madaxtooyada ayaa qorsheynaya in ay keenaan Mooshin, Taasoo Madaxtooyada ay ku kalsoontahay in ugu dambeyn Kheyre kursigiisa uu ku weynayo.

Khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Kheyre iyo Madaxtooyada ayaa salka ku haya Faragalin ba’an oo Dowlada Qatar ay ku hayaan siyasada soomaaliya iyado adegsaneysa sarkaalkeda weyn ahna Wakiilka Dowlada oo Awoda ugu weyn ee dalka ay gacan tiisa ugu jirto madaama lacagaha lagu dortay madaxweyne Farmajo uu kaso qaday dalka Qadar oo uu wakiil u yahay Fahad Yasiin,

Mudane Kheyre xaalka aya hatan ku xun waxana cadaadis xoogan saraya Fahad Yasiin Iyo Farmaajo oo dhinac ah iyo Xildhibaano dhaliilsan hab maamulkiisa.

Arimahaan ayaa imaanaya xilli kulankii golaha wasiirada uu baaqday laba todobaad iyo waliba Booqashada Kheyre uu ku tagi lahaa Imaaraadka oo sare u qaaday xiisadaha Siyaasadeed ee uka dhex jira madaxtoyada.