Iyado Gudomiye ku xigenka kowad ee Baarlamanka C/wali muudeey uu banaanka kenay in uu tagersan yahay mooshinka Gudomiye Jawari ee Xukumadu wado aya waxa arinkasi ka so horjestay Xildhibano badan oo diidan habdhaqanka C/wali Muudeey.
Guddi Xildhibaano oo la magac baxay Guddiga Badbaadada Baarlamaanka oo ku shiray xarunta Villa Hargeysa ayaa ku eedeeyay Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/wali Ibraahim Muudey inuu la saftay Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Guddoomiye Jawaari, bedelkii laga rabay inuu dhex dhexaad noqdo.
Xildhibaanada kulmay aya gaaraya 100 ayaa waxaa shir guddoominayay Xildhibaan Maxamed Cumar Carte Qaalib, waxaana ay kulankooda ka soo saareen baaq.
Waxaa ay ku baaqeen in la helo Guddoon dhex dhexaad ah, isla markaana Guddoomiye C/wali Muudey aanu dhex dhexaad aheyn, isla markaana aanu keligiis go’aamin karin Kulanka Golaha Shacabka.
Waxaa ay soo jeediyeen in si degdeg loo qabto shirka Guddiga Joogtada, isla markaana Guddiga xalinta khilaafaadka Aqalka sare ay goobjoog ka noqdeen.
Sidoo kale waxaa ay soo dhoweeyeen baaqii ka soo baxay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee la xiriira arrinta xal u helida Mooshinka.
Guddigan ayaa ugu baaqay Xukuumadda inay faraha kala baxdo arrimaha baarlamaanka, isla markaana amniga wax ka qabato iyo xaalada ka taagan degmada Beledxaawo.