Xildhibanadi Moshinka Ka Kenay Jawari,Madaxtoyada iyo Xukuumada oo Isku Heysta Badalka Maxamed Shiq Cisman Jawaari

Reading Time: < 1 minute

Waxaa haatan socdo loolan loogu jiro shaqsigii noqon lahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ee bedeli lahaa guddoomiyihii is casilay ee Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Waxaa jira tiro musharixiin ah oo u taagan qabashada xilka guddoomiyenimo ee Golaha Shacabka,kuwaas oo kulamo gooni gooni ah la yeelanaya xildhibaannada,waxana soo baxayay warar sheegayay in Xildhibaannadii mooshinka ka gudbiyey Jawaari ay wataan musharax gaar ah.

Waxa kulamo kala duwan ay ka soconayan Madaxtooyada Soomaaliya iyado Xildhibaanadi Mooshnka ka kenay Jawaari iyo Xukuumada oo dhinac ah iyo Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ay kulamo kala duwan wadaan.

Kulamadaasi aya ah kuwo la isku fahmi la yahay cida sida saxda ah u qaadan kareysa Booskii uu baneeyay Gudoomiye Jawaari,waxana Xukuumadu ay u muuqata kuwo doonaya in Madaxtooyada ay ku qanciso in Wasiir Mursal lo ogolaado in uu Musharax noqdo oo uu badal u noqdo Maxamed Shiiq Cismaan Jawaari.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!