Xildhibanadda DG Hirshabeele oo ku tilmaamay MW Waare “dukaanle” ka ganacsado mas’uuliyadda loo igmaday

Reading Time: < 1 minute

Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeele  Mudane Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa shalay oo ahayd maalin Jimco ah waxa uu ka qabtay ubnaha Baarlamaanka Hirshabeele mooshin looga soo horjeedo MW Maxamed Cabdi Waare. Xildhibaanada DG Hirshabeele oo lagu yaqaano go’aan qadasho ka duwan Dowlad Goboleedyadda kale  ayaa u muuqdo kuwo doonayo in ay si wada jir ah uga hortagaan dhaqanka musuqa ku dhisan ee MW Waare.

Madaxweyne Waare ayaa ah shaqsi aan ka xishoonin beenta, balana aan lahayn. Iyada oo uu horay uga soo goostay Ururkii Iskaashiga Dowlada Goboledyadda oo uu gudoomiye ku xigeenka ahaa isaga  ayuu hadana waxa uu la leeyahay xiriir toos ah.

Maalinta khamiista ahayd ayuu ka baaqaday safar uu ku tagi lahaa magaaladda Neyroobi hadana daqiiqadihii ugu danbeeyay ayuu ka baqsaday safarkaas cadaadis kaga  yimid dowladda Fedarfaalka awogeed. Sida ay inoo xaqiijiyeen qaar ka mida mas’uuliyiinta ka tirsan Ururka Iskaashiga Dowlad Goboleedyadda dhamaan qolaadda ka soo baxa UIDG  isaga qora, haba ugu danbeeyee kii doraad ka soo baxay Ururka Iskaashiga ee lagu eedeynayay Aqalka Sare.  MW Waare ayaa rumaysan in uu labada  dhunac isku haysan karo, laakiin waxaan shaki ku jirin in uu meel cidla ah ku soo dhici doono, Dowlad Goboleedka Hirshabeelana ay la dhiman doonto.

Habeenkii talaadda ayaa ay ahayd markii uu lacaq ka soo qaaday xafiiska RW Kheyre, lacagtaas ayaa waxa soo wada qaadeen isaga iyo MW ku Xigeenka Cali Guudlaawe. Iyada oo xildhibaanadda DG Hishabeele aan mushaar qaadanin  mudo bilo ah isla markaana Gobolka Shabeeladda Dhexe go’doomin lagu sameeyay oo haweenkii ku dhimanayaan wadada iyaga oo isbitaal ugu socoda  magaaladda Muqadshu ayuu waxa uu MW Waare ku mashquulay in lacagti shacabka logu dhiibay jeebka ku shubto.