Xildhibanada laga doorto J/land oo kusii qulqulaya Kismaanyo, maxaa isbadalay?

Reading Time: 2 minutes

Waxaa ilaa asbuucii la soo dhaafay ku sii qulqulaya magaalada Kismaanyo Xildhibanada iyo Senatarsika Fedaraalka ee laga soo doorto dowlad Goboleedka Jubbaland. Xildhibaanadaan oo rajo badan ka qaba in dib looga soo doorto Jubbaland ayaa waxa u cadaatay in Axmad Madoobe dib loo soo dooran doono.

Mid ka mida Xildhibanaadaas oo la hadlay MOL ayaa sheegay in sida waxa u socdaan marka la fiiriyo in ayan marnaba macquul ahayd in Axmad Madoobe laga adkaado. Waxa uu yiri ..brother, Axmad Madoobe jeebka ayaa ay ugu jirtaa guusha,  marnabana ma rabo in aan hadhow meel cidla ah ku soo dhaco, taas ayaana keentay iny qofkii rajo ka qabo in uu soo noqdo  in uu hadaba garab istbaago Axmad Madoobe.

Xildhibaano badan oo horay ula  safnaa Farmaajo iyo Kheyre ayaa go’aansaday in ay isbad-badiyaan oo ay iska xaadiriyaan ololaha Axmad Madoobe.  Xildhibaanada laga soo doorto Jubbaland ayaa ah kuwo u badan dhalinyaro oo si kadis ah ku soo galay siyaasada, sida kaliya oo ay ku sii joogi karaana waa in ay qayb ka noqdaan doorashada Madaxweyne Axmad Madoobe.

Shacabka reer Jubbaland ayaa dareen xun ka muujiyay faragalinta Farmaajo iyo koxdiisa ee Doorashada Madaxweynaha Jubbaland. Waxaa Farmaajo horay  uga soo goostay ugaaska beesha Mareexaan iyo odoy-dhaqameedyo kala duwan kuwaas oo u arka Farmaajo yahay nin ay leeyihiin koox  yar isla markaana  u adeega danaha kooxdaas. Odoyaasha ayaa sheegay in ayan jirin sabab ay godob ugu galaan nin ka shaqeeyan dano u gaara koox.

Waxaan shaki ku jirinin  tageerada Xildhinaadaba iyo Senateriska  Fedaraalka ay caawin doonto dib u doorashada Madaxweyne Axmad Madoobe.

Sawiradii laga qaaday xildhibanada  2016