Iyado weli ay tagan tahay mooshinka laga kenay Gudoomiye Jawaari aya waxa socda abaabulad ay wadan kooxda Xukuumada ay jeebabka loo buuxiyay kuwasi oo xildhibanada ka tirsan.
Xildhibaanada qaar ee Mooshinka wada aya warbaahinta ku qeylo dhaaminaya in aysan aqbali doonin in codbixinta lagu qabto meel ka baxsan xarunta golaha shacabka.
Raiisul Wasaare Kheyre oo doonaya in Golaha shacabka oo lagu qabto codbixinta mooshinka jawaari madaama ay halkaasi u joogan ciidamo ka amar qaata oo xiligu doono hanjabad toos ah ugu sameyn karo xildhibanada halkasi ku sugan.
Kooxda idaacadaha ka qeylo dhaaminaya aya shegaya in aysan aqbalayenin in codbixinta Mooshinka lagu qabto Teendhadha lagu qabtay dorashadi madaxtinimo ee Madaxweyne Farmaajo ku so baxay xili lo qorsheynayo in halkaasi lagu qabto beesha caalamkana korjoogto ahan halkasi ujoogto.
Kheyre aya duulaan Xoogan ku so qaaday sharciga maadama hey’ada shacri dajinta ay tahay hey’ad hagta sharciyada dalka sido kalena la xisabtamta qaladaadka Xukuumada oo in badan joogto noqday iyado tasi ka duleysana weerar ku qasday.