Xildhibanada Kaso Horjeeda Axmad Madoobe oo Amaro Culus Lagu So Rogay

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ee Jubaland aya shegaya in Amaro cusub lagu soo roggay Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland ka dib markii qaar ka mid ah Xildhibaanada Jubbaland kulan ay ku yeesheen Magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulkasi.

Waxaa ka mid ah Amaradda in aysan ku shiri karin meel ka baxsan Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubbaland.

Kulanka Magaalada Kismaayo oo ay so xaadireen Xildhibaano gaaraya 38 Xildhibaan ayaa ogolaatay arintaasi, halka afar ay diideen, sidoo kalena laba ay ka aamuseen sidda ay sheegeen Xildhibaanada Jubbaland.
Xildhibaanada Jubbaland ayaa inta badan waxaa lagu eedeeyaa in ay yihiin kuwa taageersan Madaxweynaha Jubbaland, islamarkaana cidii kasoo horjeesadda ay waayi doonto Xubinimadda Baarlamaanka Jubbaland.

Dhowr Xildhibaan ayaa Baarlamaanka laga saaray ka dib markii lagu eedeeyay in ay yihiin Mucaarad.

Go’aankaan cusub ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii lasoo dhaafay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland ay ku shiraayeen Magaalada Muqdisho.