Xildhibanada Golaha Shacabka oo Kulmaya Iyo Ajandaha Maanta laga Hadli Doono

Reading Time: < 1 minute

Xarunta Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa waxaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeelan doona Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo mudoyinki u danbeyay an kulmin.

Ajendaha Kulanka Maanta ayaa ah in lagu dhawaaqo Guddiga doorashooyinka Guddoomiyaha Golaha Shacbaka Soomaaliya kadib markii uu is casilay Guddoomiyihii Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Guddiga Maanta lagu dhawaaqi doono ayaa Wararka aan helnay waxa ay sheegayaan in ay macquul tahay in ay ka koobnaadaan 15 Xubno,waxa ay ka Shaqeyn doonaan sidii ay ku dhici laheyd doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Musharaxiin kala duwan oo ay kala wataan Xukuumada iyo shaqsiyaad kala duwan aya ku loolamaya Xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka kuwaasi oo dano gooni ah kala wata.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!