Xildhibanada Baarlamanka oo Kulmaya Maanta Iyo Arin Xasaasi Ah oo Laga Doodayo

Reading Time: < 1 minute

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya kulankoodii ugu horeeyay ku yeelanaya xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka, kadib furitaanka Kalfadhigii Saddexaad ee Golaha Shacabka, waxaana kulanka maanta uu yahay mid xasaasi ah.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xalay waxaa lagu wargeliyay in maanta oo Isniin ah uu jiro kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaana laga dalabay in ay ku yimaadaan waqtiga lagu balamay.

Ajandaha kulanka maanta ayaa waxa uu yahay ka doodista arrinta la xiriirta Heshiiska Dekeda Berbera ee saami qeybsiga ah oo ay wada gaareen Dowladaha Imaaraadka Carabta, Itoobiya iyo Maamulka Somaliland, kaasi oo dhaliyay muran badan.

Ciidamada Booliska ayaa sidii caadada aheyd waxa ay xireen wadada horumarta xarunta Golaha Shacabka, waxaana loo diidayaa inay halkaasi maraan gaadiidka rayidka iyo Mootooyinka Bajaajta.