Xildhibanada Baarlamanka Hirshabeele oo Manta Gacanta Iskula Tagay Ka Dib Dood Dheer oo Miisaniyada Ay Ka Yeeshen

Reading Time: < 1 minute

Iyado Xildhibaanada baarlamanka maamulka hirshabeele Shalay loo Qeybiyay Nuqulo ay ku Qoran yihiin Nidaamka Maaliyada ayaa waxaa maanta la filaayay in ay Dood ka yeeshan si loo Ansixiyo ama Dib loogu Celiyo Wasaarada Maaliyada.

Kulanka Maanta oo uu shir gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Cusmaan Barre Maxamed kaasi oo ku guul dareestay kala xakameynta Xildhibaanada Qaar ee uu muranka ka dhex bilowday kuwaasi oo mar dambe Gacanta islatagay.

Xildhibaanada Wada Dagaalamay ayaa ku murmay Qodabada Qaar ee ku jira Nidaamka Ay usoo diyaarisay Wasaarada Maaliyada iyo Horumarinta Dowlada Hirshabelle wax ka badalkoodana ay ku murmeen taasi oo muujisay kala qeybsanaan udhexeysa Mudanayaasha Baarlamaanka hirshabelle oo qaar kood ay doonayaan in Wasaarada Maaliyada ay Dib ugu laabato Habka ay usoo martay Diyaarinta Miisaaniyada 2018ka.

Waa markii ugu horeysay ee muran heerkani uu soo kala dhex galo Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle.