Xildhibanada Baarlamaanka Galmudug oo kulan Deg deg ah loogu yeeray

Reading Time: < 1 minute

Waxaa Fariin ogaysiis ah loo diray Xubno ka midah Baarlamaanka Galmudug kuwaa oo laga dalbaday in ay soo xaadiraan kulan Degdeg ah oo ay leeyihiin Golaha Wakiilada Galmudug.

Fariinta Xildhibaanada loo diray kuma cada Ajandaha kulanka balse kulanka ayaa waxa uu yahay kulan Degdeg ah oo aanan horay loo shaacin waxaana kulankaa Shir gudoomin doona Gudoomiye Gacal.

Kulanka Maanta ayaa waxaan soo xaadiridoonin 20 Xildhibaan oo ay ahlusunna ku le heeday Baarlamaanka Labaad ee Galmudug ka dib khilaaf baahsan oo soo kala Dhexgalay Gudoonka Sare iyo Xildhibaanada Ahlusunna ku matalaya.

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!