Waxa Manta lagu wada in Xildhibanada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ay xaruntooda ku yeeshaan kalunkoodii ugu horeeyay, tan iyo markii la furay Kalfadhigii Saddexaad ee Baarlamaanka.
Ajandayaasha kulanka looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah Warbixinta Guddoonka Golaha Aqalka Sare, Dabagalka iyo ka tashiga weerarkii lagu qaaday Guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdid, Ka doodista Xeerka Dhowrida Gobanimada iyo Midnimada Geyiga Soomaaliyeed ee ka soo gudbey Golaha Shacabka BFS iyo Arrimaha Amniga ee Golaha Aqalka Sare.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa shalay meel mariyay xeer dalka looga mamnuucayo shirkadda DP-world ee maalgashiga ku sameysay Dekeda magaalada Berbera, sidoo kalena lagu laalay dhammaan heshiisyadii ay gashay.
Xildhibaanada Aqalka Sare hadii ay u codeeyaan xeerkii Baarlamaanka Golaha Shacabka, waxa uu xeerkan u gudbi doonaa Madaxweynaha Soomaaliya, iyada oo intaasi kadibna lagu soo saari doono faafinta rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka.