Xildhibaano u Cabsanaya Naftooda oo Mooshin ugu Diyar Garobay Kala Fadhiga 1aad ee Barlamanka& Kheyre Iyo Farmaajo oo Xaalku Ku Xun Yahay

Reading Time: 2 minutes

Warar hoose oo an helnay ayaa sheegaya in Xildhibaanada Golaha Shacabka ay qorsheynayaan marka uu furmo Kalfadhiga baarlamaanka Soomaaliya inay Madaxda dalka kula xisaabtamaan Weerarada Siyaasiyiinta ku sugan magaalada Muqdisho ay ku qaadeen Ciidamada Nabad sugida.

Xildhibaano kulamo dhowr ah ku qaatay magaalada Muqdisho ayaa ku heshiyay in ay la la xisaabtami doono dhamaan Masuuliyiinta ku lugta laheyd weeraradii lagu qaaday Siyaasiga Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur, Senator Cabdi Cawaale Qeybdiid iyo Masuuliyiin Mucaaradka ka tirsan oo nabad sugida xirtay.

Marka uu furmo kalfadhiga baarlamaanka dowlada Madaxweyne Farmaajo waxay dhexda ka gali doontaa xiisad siyaasadeed oo aad u adag, waxaana suura gal ah inuu ku baxo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ama gilgil xoog leh la galiyo Madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaanada baarlamanka ayanan ku qanacsanen hab dhaqanka xukuumada Raisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo siyaboyin kala gadisan ugu lug yelatay weeraro lagu aado siyaasiyin masuuliyin ka tirsan baarlamanka.

Sido kale Xoldhibanada aya ka careysan in dalka uu Mudo ka badan sedex bilood anan la magacaabin saraakisha lamaha ugu muhiimsan amniga arimahasi oo is biirsaday aya la tilmamaya in moshin ka dhan ah kala fadhiga lagu gorfeyo, halka warar kale ay shegayan in mooshin sido kale laga gudbinayo madaxweyne farmajo oo mooge ka noqday dhibatoyin badan oo dalka ka dhacay balanqaadki lagu dortay oo an muuqan,

Waxa ayna Xildhibaano badan dareemeyn in arintaasi ay tahay mid logu gol leyahay in cidi la doono la iska weeraro oo an waxba la iska weydiinin,waxa ayna ka cabsi qabaan in qaar babad oo xildhibanada ka mid ah la weeraro,

Iyado weerarada qaar ay sababi karan in masuulka halkaasi lagu ugaarsado oo lagu qaarajiyo waana cabsida ugu xoogan ay so food saartay siyaasiyinta iyo xildhibanada muqdisho ku sugan.

Dhawaan Siyaasiga Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur aya shegay in halis uu ku jiro amnigiisa oo uu xog ku helay in weerar ay fulunayaan Al Shabaab oo kaalmo ka helaya Dowlada Somaaliya iyo Dowlado kale la donayo in Lagu Dilo Isaga,

Arintaasi ayana noqotay mid so iftiimisay in shaqsiyad xilil muhiim ka haya dowlada ay xiriir dhaw la leyihin Kooxda Argagixisada Ah ee Al Shabaab.