Xildhibaano sheegay in ay tuhunsan yihiin gacmo ka baxsan Shabaab in ay ka danbeeyeen weerarkii Kismaanyo

Reading Time: 2 minutes

Waxa isa soo taraya Xildhibanada ka tirsan dowlada Fedaraalka ee sheegayo in weerarkii Hotelka Kismanyo  lagu qaaday uu yahay mid la soo abaabulay ayna ka danbeeyeen gacmo ka baxasan Al Shabab.

Shalay waxaa arintaas ka hadlay Xildhibaan Xasan yare xalayna Xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) ayaa sheegay inuu jiro tuhun ku saabsan qaraxii iyo weerarkii jimcihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Kismaayo aysan Shabaab kaliya ku laheyn.

Sida uu ku sheegay Xildhibaanka wareysi uu siiyay Idaacada Kulmiye ee magalaada Muqadishu  ku taal weerarkii ka dhacay Jimcihii uu yahay mid ku cusub Jubbaland oo aheyd meel nabdoon oo xasillooni ka jirtay, balse qaraxaas iyo weerarkaas lagu soo aadiyay xilli xasaasi ah oo doorasho ku soo fool leh Jubbaland.

“Laamaha ambiga ayaa howsha gacanta ku haya, hotelka la weeraray wuxuu ahaa Hotel cusub oo dadka ay xiiseynayeen, wixii baaritaan iyo xog Hey’addaha Amniga ayaa og, laakiin Shabaab kaliya howl ku eg ma aheyn, howl dad badan ka soo shaqeeyeen oo juhdi iyo waqti la geliyay buu ahaa, mid ka mid ah raggii weerarka soo qaaday ayaa gacanta lagu hayaa”ayuu yiri Xildhibaan Caana-Nuug.

Dhanka kale Xildhibaanka dhankiisa  sheegay inuu isaga ka mid ahaa dadkii ku jiray Hotelka, xilliga la weerarayay, isla markaana labo saac habeenimo laga soo badbaadiyay oo Ciidamada Ammaanka u soo gurmadeen sida uu yiri.

Xildhibaanka ayaa ku eedeeyay Dowlada Fedaraalka in  ay qayb wayn ku lahayd dagalka qaboow ee lagu haayay dadka iyo deegaanka Jubbaland. Waxaa uu sheegay in dowladda Federaalka ay muddo ku heysay Jubbaland dagaal curyaamin ah, isla markaana doorashada ku soo fool leh Jubbaland iyo weerarka dhacay ay wax badan iska kaashan karaan.

“Gacmo waa weyn ayaa meesha ku jira oo howsha fududeysay, qarax si weyn loo soo agaasimay buu ahaa, doorashada Jubbaland ku soo fool leh, dagaalka dowladda Federaalka kula jirto iyo wax badan baa iskaashanaya tuhun badan ayaa nagu jira”ayuu yiri Xildhibaan Caana-Nuug.

Weerarkii jimcihii la soo dhaafay ka dhaca Kismaayo ayaa waxaa mas’uuliyadiisa sheegatay Al-Shabaab, waxaana weerarkaas lagu dilay illaa 27 ruux, halka 56 kalena ku dhaawacmeen, waxaa uu ahaa weerarkii u horeeyay noociisa oo Al-Shabaab ka fuliso Kismaayo.