Xildhibaano ka Tirsan Kuwa Taageersanaa R/wasaare Xassan Cali Kheeyre islamarkaana kazoo horjeeday Gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Shiikh Cusmaan jawaari ayaa lagusoo waramayaa in ay ka laabteen mooshinkii ka dhanka ahaa Gudoomiyaha ka dib markii Kheeyre uga baxay balamo uu la galay
Saraakiil ka tirsan Howla-wadeenada Xafiiska R/wasaaraha Xassan Cali Kheeyre ayaa u sheegay MUQDISHO ONLINE in ay jiraan xildhibaano badan oo ka laabtay Fulinta mooshinka uu aqbalay Gudoomiye jawaari,kuwaasi oo si cad ugu sheegay xassan cali kheeyre in uusan suuragal aheeyn hirgalinta mooshinkaasi
Xildhibaanadda ka baxay balankii ahaa in Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed sheikh Cusmaan jawaari xilka ka qaadis lagu sameeya ayeey wararku sheegayaan in ay gaarayaan 30-xildhibaan iyo ka badan
R/wasaare Xassan cali kheeyre ayaa si aad ah ugu xumaaday Xildhibaanadda ka laabtay mooshinka sida uu mar kale u xaqiijiyay mid ka mid ah Saraakiisha ku dhaw dhaw xassan Cali Kheeyre MUQDISHO ONLINE
Shalay ayeey Dhoola-tus aan sidaas u weeyneeyn waxaa ay kusoo bandhigeen Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo wasiiro u badan Hotelka lagu Magacaabo SYL kuwaasi oo ka socday garabka Kooxda Qiyaano qaran