Xildhibaano Sedex Ah oo Manta Lagu Dhaariyay Xarunta Golaha Shacabka

Reading Time: < 1 minute

Saddex ka mid ah Xildhibaannada Golaha shacabka ayaa maanta lagu dhaariyay xarunta Golaha oo uu ka furmayo Kalfdhiga 3aad ee Golaha shacanka Soomaaliya.

Xildhibaannada Maanta la dhaariyay ayaa ka soo kala jeeda Somaliland,Jubaland iyo Hirshabeelle,waxaana ay ka mid noqdeen Golaha shacabka Soomaaliya

Xildhibaan Fatxi Siciid Xasan oo ka soo galay Somalilnad,waxaa uu beddelay Aabbihii Siciid Xasan Geeddi oo kursigaas ka geeriyooday,sidoo kale Maxamuud Cabdullahi Sh. Siraaji oo ka soo galay Jubaland,waxaa uu beddelay walaalkii Cabaas Cabdullahi Sh Siraaji oo kursigaas ka geeriyooday halka Nuur Iidow Beyle oo ka soo galay Hirshabeelle uu beddelay Taliyihii hore ee Nabad Sugidda Soomaaliya (Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe).

Guddoomiyaha Maxakamadda sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa dhaariyay Xildhibaannada saddexda ah ee maanta ku biiray Golaha shacabka.

Doorashada Xildhibaannadan waxaa qabtay guddiga doorashooyinka Madaxbanaan iyada oo uu hadda kaliya dhimanyahay kursiga uu ka geeriyooday Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin oo ka soo galay Galmudug.