Xildhibaano Magaalada Jowhar Ka Bilaabay Mooshin Ka Dhan Ah Madaxweyne Waare

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imanaya Magaalada Jowhar aya shegaya in Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle ay saxiixeen Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare.

Xildhibaanada ayaa sheegay in ay sugayaan Xildhibaano kale oo ku maqan safar Kenya ah kadibna ay Mooshinka ku wareejin doonaan Guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle.

C/kariin Xasan doobyare oo ka mid aha wasiiradi hore ee maamulkaasi ayaa sheegay in mooshinka xubno badan ay saxiixeen ujeedkana uu yahay in xilka looga qaado Madaxweyne Waare oo hada ku sugan Beledweyne.

Hirshabeelle waa maamulkii ugu dambeeyay Nidamka Federaalka Soomaaliya, waxaana la sheegaa in daruufooyin badan ay ku hor gudban yihiin.