Xildhibaano Ku Shiray Muqdisho oo Shegay In Rabitaanka Kheyre iyo Farmaajo aysan Ka Socon Donin Baarlamanka

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaanada Mucaaradka ku ah Madaxtooyada Soomaaliya oo ku shiray magaalada Muqdisho ayaa sheegay iney ka dhiidhin doonaan rabitaanka Madaxtooyada Soomaaliya ay ku tilmaamaneyso doorashada Guddomiyaha Golaha Shacabka shaqsiga ay iyadu dooneyso inuu ku soo baxo.

30-ka Bishan oo ku beegan maalinta isniinta ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ay ku tartamayaan 11-musharax oo qaarkood ay gadaal ka kala riixaan Xafiisyada madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Musharax Mursal ayaa loo badinayaa in Xukuumadda Soomaaliya ay dooneyso inuu ku soo baxo doorashada,islamarkaana ay dhaqaalo fara badan ku bixineyso,inkastoo si dhab ah loo saadaalin karin cida doorashada ku soo baxeyso.

Xildhibaanada mucaaradsan aragtida madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa dhankooda wada olole ay ku doonayaan iney ku midoobaan kuna hal musharaxna codka ugu shubaan.

Waxaa si aad ah magaalada Muqdisho looga dareemayaa ololaha lagu kala jeedinayo Xildhibaanada iyadoo 11-ka musharax midba mar uu la kulmayo Xildhibanaada Golaha Shacabka.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!