Magaalada Cadaado ee Xarunta Baarlamaanka Galmudug Kulan ay Maanta Kuyeesheen Xildhibaano Katirsan Maamulka Galmudug oo shir Gudoominyay Gudoomiyiha ay dhawaan sheegeyn Xildhibaano ka tirsan Galmudug in ay xilka ka qaadeyn ayaa waxaa lagu shaaciyay in xilka laga qaaday Madaxweynha Maamulkaasi Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Xildhibaanada ku kulmay Cadaado ayaa tiradooda waxay gaarayeen 47-Xildhibaan oo dhamaantood ahaa Xildhibaanadii Lagu,aasaasay Maamulka Galmudud , Cod Gacantaaga ayaa sida uu ku dhawaaqay Cali Gacal casir waxaa xilka looga qaaday Madaxweyne Xaaf .
47 Xildhibaan ee maanta ku shiray Cadaado ayaa dhamaantood u codeeyay xilka qaadista Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Ugu danbeyntii Natiijada Xilka Qaadista Madaxwaynaha Maamulka Galmudug Waxaa Ku dhawaaqay Cali Gacal Casir Waxa uuna sheegay in Xilkaasi uu Sii Qabanayo Madaxwayne Kuxigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi.