Xildhibaano Kismaayo lagasoo ceeyriyay oo Muqdisho soo gaaray

Reading Time: < 1 minute

Afar Xildhibaan oo ka mid ah baarlamaanka maamulka Jubbaland ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho,kuwaasoo sheegay in ay kasoo carareen Magaalada Kismaayo ka dib markii Handadaad ay kala kulmeen madaxda Jubbaland.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka maamulka Jubbaland,kuwaasoo caburin lagu haayo.

Khadiijo Aadan Cabdi oo ka mid ah Xildhibaanada soo gaaray Muqdisho ayaa Risaala u sheegtay in ka dib markii u baqday Nafteeda in ay kasoo carartay Kismaayo,Maadaama qodobo qaar ay kasoo horjeesatay.

Saddex Xildhibaan oo kale ayay sheegtay in Kismaayo laga soo masoo furiyay hadana ay ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka Jubbaland ayaa horay looga soo masaafuriyay Magaalada Kismaayo ka dib markii ay kasoo horjeesteen Madaxweynaha Jubbaland.