Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo cadeeyay in xukuumada ay faragelin ku heyso Golaha Shacabka

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaan Cabdi fitaax Ismaaciil Daahir oo ka tirsan mudanayaasha Baarlamanka Golaha shacabka ee Soomaaliya oo warbaahinta  ayaa Waxaa uu ka hadlay Faragalin uu sheegay in xukuumada ay ku hayso Golaha Shacabka.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in howlihii Baarlamanka ay ka socon la’dahay Xukuumada, waxaase uu sheegay in kulankii shalay ee golahu uu yeelan lahaa uu u baaqday Warbixintii  guddiga Maaliyada golaha shacabka ay hore u soo saareyn ee lagu dhaleeceenaye hanaanka maaliyadeed Ee Wasaarada Maaliyada iyo Maamulka Gobolka banaadir oo wax isdaba marin iyo masuq lagu eedeeyay.

Sido kale Xildhibaan Cabdi fitaax Ismaaciil Daahir ayaa waxaa uu shaaciyey in ay isku milmeen golaha shacabka iyo xukuumada taasna ay keenta buu yiri in howlaha golaha faragalin ay ka marnaaweysay.

Kulan ay yeelan la haayeen golaha shacabka maalintii shalay ayaa u baaqday sababo la xiriir Khilaaf ka dhashay warbixintii guddiga maaliyada Ee Guddonka Lalaalay sida xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ay inoo shegeyn.