Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Somaliland oo si-toosa u-qiray Jabkii-dagaalkii-Sool

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaan Ahmed Khaliif Jaamac oo kamid ah xunbnaha golaha wakiilada Somaliland ee gobalka Sool ayaa ka hadlay dagaal-kii ciidamada Somaliland looga saaray gobalka Sool.

“Waa nala jabiyay waa nalaga adkaaday. Dadkeena aan runta u sheegno”.

Hadalka xildhibaanka ayaa imaanaya iyada oo maamulka Somaliland uu isku dayayo in uu duulaan ku ekeeyo duleedka Oog halkaasi oo ay isku hor fadhiyaan ciidamada SSC-Khaatumo iyo kuwa Somaliland.

Maamulka Somaliland ayaan ilaa hadda bulshada deegaanadaas wax uga sheegin sida ay wax u dhaceen isla markaana ku celiyay marar kala duwan in ay iyagu ciidamadooda kala soo baxeen gobalka Sool.