Xildhibaano katirsan Baarlamaanka oo mooshin ka keenay heshiiskii Dowladaha Soomaaliya Eritrea iyo itoobiya

Reading Time: < 1 minute

Tiro ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Maanta mooshin ka keenay heshiisyadii iyo is afgaradyada dowladda Federaalka la gashay dalal shisheeye.

Qoraal ay ku saxiixan yihiin 10 ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa loo gudbiyay Guddoonka Golaha,waxaana ay ka dalbadeen inuu furo dooda ku saabsan heshiisyada ay dowladda hadda jirta la gashay dalalka Shisheeye.

Qoraalka Xildhibaanada soo saareen ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa in aan Shacabka Soomaaliyeed lala wadaagin heshiiskii Saddex Geesoodka ahaa ee dalalka Soomaaliya Itoobiya iyo Ereteriya.

Aqriso Warqada ay Soosaareen Xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!