Sida ay sheegayan wararka naga soo gaaraya magaalada Baladxaawo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Jubaland ayaa loo diiday iney ka duulaan garoonka diyaaaradaha magaalada Muqdisho gobolka Gedo, waxaana laga celiyay kuwaas oo ku sii jeeday deegaano kamida Gobolka Gedo.
Xildhibaan Maxamed Daa’uud Cumar oo ka tirsan xildhibaanada la celiyay ayaa warbaahinta u sheegay in markii labaad laga celiyay safar ay ku tagi lahaayeen deegaano ka tirsan gobolkaasi oo ay kasoo jeedaan.
Waxa uu sheegay iney la hadleen taliyaha NISA ee Gedo Jamaal Xasan Tareey oo ay ka dalbadeen inuu ka qaado amarka uu siiyay diyaaradaha ee ah ineysan mudanayaashan tagin gobolkaasi.
Xildhibaanka ayaa cadeeyay in taliye Jamaal uu u sheegay in amarka looga hor-istaagay socdaalkooda uu ka soo baxay taliyaha NISA Mahad Salaad, lama oga sababta arrintan kadanbeysa.
Maalmihii la soo dhaafay waxaa jiray wadahadalo hoose oo dowladda iyo Jubaland ka lahaayeen gobolkaasi Gedo oo afartii sano ee la soo dhaafay buuqeeda soo taagnaa.