Xildhibaano ka digay Xariga Muqtaar Rooboow sheegeyna in Amar Abiy Ahmed lagu afduubtay!!

Reading Time: < 1 minute

Saacado ka hor ayaa la xiray musharax madaxweyne Maamulka K/galbeed Muqtaar Rooboow Cali Abuu-mansuur kaasi ay xoog ku kaxeeysteen Ciidamo la sheegay in ay Itoobiyaan ahaayeen.

Iyadoo ay sidaasi jirto ayaa xildhibaan Axmed Macalin waxaa uu ka digay xarigaasi,waxaana uu sheegay in amarka weerarkaasi uu kasoo baxay R/wasaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed.

Xildhibaanku waxaa uu ka digay falkaan kaasi oo uu sheegay in ay dhalin karto qatar ka weeyn mida la maleeynaayo.

  Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa ayaa sidaan ahaa

”Waxaa Baydhabo dad joogaa ii xaqiijiyeen In ciidamada Abiy Axmed ee Itoobiya ay xoog ku qafaasheen musharaxii madaxweynaha Koofur Galbeed Mukhtaar Roobow oo guddiga doorashadu u diiwaangaliyeen ka qeybgalka tartanka doorashada madaxweynenimada KG.

Waa ayaandarro In ciidamo ajnabi ah loo adeegsado ku xadgudubka muwaadiniin Soomaaliyeed iyo u xoog sheegshadooda.

Falkani wuxuu qeyb ka yahay heshiisyadii qarsoodiga ahaa ee lala galay Ethiopia iyo Eritre, waa midkii ay Xildhibaanada qaranku ay ka sii digeen, maalinba maalinta ka danbaysa waxaa Soo cadaanaya wajiga dhabta ah ee madaxda dalkeena.

Dalkaan Itoobiyaan iyo Eritreeyaan laguma qabsan karo!”

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!