Xildhibaano Ka Careysan Goanka Lagu Baajiyaya Kulanka Golaha Shacabka oo Shegay In Ay Tagi Donan Xarunta Goalaha Shacabka

Reading Time: < 1 minute

Iyado manta dib lo dhigay kulanki ay ku lahayeen magaalada Muqdisho baarlamanka dalka aya waxa so baxaya Xildhibaano go’aankasi uu ka careysiyay iyago diidan in kulankaasi la baajiyo.

Xildhibanadan aya ka careysan go’aanka madaxweyne Farmaajo uu ku joojiyay kulanki Golaha Shacabka ee Manta loogaga Hadli Laha Xiisada ka tagan Xadka ee Magaalada Balad-xaawo iyo Mandheera iyo habdhaqanka Kenya ay ku so gashay gudaha dalka.

Xildhibaanadaan ayaa shegay in Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo in uu doonayo in uu burburiyo golaha shacabka, kana shaqeeyo kala qeybintiisa iyo in madaxa la isla galo.

Waxa ay sheegay in la doonayo in la afduubto golaha shacabka sidoo kalena awoodiisa ay la wareegto Xukuumada Soomaaliya.

Waxa ay Madaxweynaha iyo Ra’isal Wasaaraha ugu baaqeyn in aysan dalka dib u celin farahana kala baxaan howlaha golaha shacabka.

Waxa ay xildhibanadan shegayaan in aysan aqbalaynin in isbadal lagu sameyo waxa ay ku heshiiyen iyo iin usan weli wax iska badalin Mowqifkooda ku adan Tagitaanka kulanka golaha shacabka.