Warar hoose oo ay heshay Muqdisho Online ayaa sheegaya in xalay Magaalada Muqdisho ay ku kulmeen Siyaasiyiin iyo Xildhibaano kasoo jeeda Beesha Habar Gidir iyagoona taageero u muujiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Kulankan oo ka dhacay Mid ka mida Hotelada ugu caansan magaalada Muqdisho ayaa Siyaasiyiinta Beesha Habar Gidir waxay Warbixin ka dhageysteen qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Aqalka sare u matala Beeshaasi, waxaana Warbixinta lagu biyaamiyay halka ay xiisada kasoo bilaabatay iyo sida laga filan karo inay wax u dhacaan.
Gaba gabadii kulanka Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada Beesha Habar Gidir waxay isku raaceen inay difaacaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ay u arkaan in weerar cad ay kusoo qaaday Xukuumadda Soomaaliya, iyagoona sheegay in qaranka ay muhiim u tahay badbaadinta Baarlamaanka 10-aad.
Si kastaba ha ahaatee waxaa Magaalada Muqdisho si xawli ah kaga socda Kulamada ku saabsan khilaafka Mooshinka Jawaari, iyadoo Xildhibaanada ay inta badan ku mashquulsan yihiin arintan.