Xildhibaano iyo Wasiiro caawa lagu hayo Garoonka Diyaaradaha JKIA, berina Muqadisho loo masaafurin doono

Reading Time: < 1 minute

Sida MOL ay maanta idiinla wadaagtay Dowlada Kenya ayaa diiday in ay VISAHA  dal ku galka ah ku dhufato baasaboorka Soomaaliga. Iyada oo sharcigaas dhaqan galay maanta ayaa waxaa caawa lagu hayaa garoonka diyaaradaha ee JKIA mas’uuliyiiin isugu jira Wasiiro, Senators, Xikdhibaano iyo dad shacab ah.

Dadkaas oo maanta loo diiday in ay dalka Kenya ku galaan baasaboorka Soomaaliga ayaa caawa waxaa lagu hayaa Garoonka diyaaradaha ee Magalaada Nairobi iyada oo berito dib loogu celin doono dalka Soomaaliya.

Masuuliyiinta caawa lagu hayo garoonka JKIA waxa ka mid aha Wasiir Cusmaan Libaax, Senator Ilyaas Cali Xassan iyo Zam Zam Daahir. Dhanka kale Wasiirka Qorsheynta Jamaal Xassan ayaa isagana loo diiday in VISAHA la siiyo  laakiin waxa uu markii danbe la soo baxay baasaboorkiisa Canadian oo uuwatay halka La-taliyaha amniga ee Madaxweynaha Farmaajo, CabdiSaid MUse   laga diiday diplomatic Baasporka uu watay waxuu lasoo baxay Baasaboorkiisa Netherlands ah taas oo u sahashay in ay magalaada Nairobi galaan.

Dowlada Kenya ayaan wali cadeeynin sababaha ay u qaaday talaabooyinkaan balse waxa lagu tuhmayaa in talabadan ay ka danbeeysay   xiririka labada dal ee sii xumanaya maalinba maalinta ka danbeeysa.