Xildhibaano Iyo Madaxweyne Farmaajo oo Kulamo Ugu Socda Villaa Soomaaliya&Qorshihii Kheeyre uu Ku Bixi Laha oo La Dajiyay

Reading Time: < 1 minute

Wararka aynu ka heleyno Magaalada Muqdisho aya shegaya in kulamo kala duwan ay ka soconayaan Xarunta Villa Soomaaliya xili Xiisada u dhaxeysa Golaha shacab iyo Xukuumada ay weli taagan tahay.

Kulanka ka soconaayo Xarunta Villa Soomaaliya aya waxa yeelanaya Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo Gudoonka Golaha Shacabka Iyo Madaxweyne Farmaajo iyado lagu gorfeeynaayo sida loga bixi karo Xiisada Siyaasadeed ee taagan.

Xildhibaanadan iyo Madaxweyne Farmaajo aya dajinya qaabka ugu fudud ee talada loga tuuri karo Raii’sul Wasaare Kheeyre iyado madaxweyne Farmaajo uu garwaaqsaday in foodada Mudane Kheeyre an lo dul qaadan karin.

Wararka aya shegaya in Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Madaxweyne Farmaajo ay isku raaceyn qorsho uu ku baxaayo Xasan Cali Kheeyre oo u muuqda mid ku fashilmay waqtiga yar ee uu talada dalka qeybta ka ahaa.

Howliihi Xukumada oo fadhiid Noqday,Amniga dalka oo la dayacay,Qas iyo foodo laga dhex abuuray Golaha Shacaka,Weerarada Xubka Siyasiyin iyo Sanatero,Musuq Maasuq Baahsan,ka run shegid la’aanta hadalada la isticmalo inta badan,dafiraada waxyaabihi ay horay uso qabteen Madaxdii Xili adka kuso shaqeyey waa wax yabaha isku biirsanaya in Xasan Cali Kheeyre uu Baxo.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!