Xildhibaano Federaal ah oo lagu eedeeyay xasuuqa ka socda Gobolka Galgaduud (Daawo)

Baaq ay soo direen shacabka ku nool gobolka Galgaduud ayaa lagu sheegay in colaadda halkaa a bilaabatay ay huriyeen Xildhibaano Muqdisho laga soo diray oo kala ah Xil. Cabdi Shire Ciyaar Jecel iyo Xil. Cabdishakur Cali mire.

Muuqaal ay iska soo duubeen oday dhaqameedka beelaha dega Gobolka Galgaduud ayeey ku sheegeen in iyagoo u fadhiya waan waan iyo in heshiis la dhex dhigo beelaha dagaalamaya aya waxaa yimid Xildhibaan Ciyaar jecel oo ka keenay Muqdisho, isla markaana ku amray maleeshiyaadka beeshiisa in ay bilaabaan dagaalka kana sifeeyaan beesha Habar Gidir degaanada uu dagaalka ka socday.

Waxaa nasiib darro ah in qaab qabiil loo hubeeyo beelo gaar ah isla markaana ay baabi’iyaan xoolihii iyo shacabkii halkaa degenaa ayuu yiri mid ka mid ah nabadoonada oo la waramayay idaacadaha magaalada Muqdisho.

Jen. Cabdi Ashkir oo ah shaqsigii diiday in dhaawaca laga soo qaado gudaha garoonka diyaaradaha

Waxaa maalintii shalay ahayd dhaawacyo laga keenay gobolka Galgaduud loo diiday in aay gudaha u galaan garoonka diyaaradaha gawaarida gargaarka degdega ah si ay u soo qaadaan dhaawaca taasoo ka ay ka dhalatay xiisad ilaa hadda ka socota magaalada Muqdisho. Amarka lagu diiday aya waxaa bixiyay Jen. Cabdi Ashkir oo ay isku beel yihiin MW. Farmaajo iyo Xildhibaanada hubka loogu dhiibay beesha Mariixaan.

Waxaa magaalada Muqdisho laga dareemaya hub aruursi iyo in dib loogu laaban doono dagaal sokeeya oo ay markaan abaabuleyso dowladda federaalka ah.

 

 

Halkan Hoose ka daawo farriinta ay soo direen shacabka la gumaaday

Advertisements
Xayeeysiin