Iyadoo Maanta Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah Maamulka K/galbeed la geeyay ciidamo xoogan kuwaasi oo la sheegay in ay ka amar qaataan Saadaq Joon ayaa waxaa ka hadlay arintaasi xildhibaano ka tirsan BFS.
Xildhibaano uu ka yahay Sheekh Aadan Madoobe oo shir jaraa’id ku qabtay Baydhabo ayaa sheegay in ciidamadan la keenay Baydhabo ay halis ku yihiin amniga,waxaana uu ku baaqay in si deg deg ah dib loogu celiyo.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu digay Madaxweynaha iyo R/wasaaraha in aysan dalka gacantooda ku dimin,waxuuna tilmaamay in aan xoog lagu maquunin karin bulshada
Deegaanada Maamulka K/galbeed horay looma geeynin ciidamo boolis ah amniga magaalada Baydhabo-na waxaa uu ahaa mid hagaagsan,waxaa aad loola yaaban yahay falkaan villa soomaaliya lagasoo abaabulay