Xildhibaano Badan oo Taagero u Muujiyay Gudoomiye Jawaari Xili Garbaha Kheyre uu u Muqdo Mid Faaruqaya

Reading Time: < 1 minute

Waxa la ogson yahay in Mooshinka Gudoomiye Jawaari uu gabaabsi sii yahay xili waqtiga uu sii idlaanayo Kheyre na u lacago xoogan bixinaayo.

Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka aya ku dadaalaya in mooshinka ay kala diraan iyago abaabulo xoogan oo ay ku difacayan Gudomiye Jawaari ka wadan Muqdisho.

Gudoomiye jawaari aya la kulmay Xildhibanadi ugu badnaa kuwaasi oo taagero u ah Gudoomiyaha iyago xildhibanadaasi ay u badnaayen kuwa an ka gaban fashilka heysta Xukumada kheyre oo inta badan dhaliila.

Prof.Jawaari aya hada ku qanacsan habka ay wax ugu socdaan isago bogaadiyay Xildhibanada saxibada la ah ee garab istaga usameynaya xili Kooxda xukumadu ay isku diyaarinayan qalalaaso iyo foodo xiliga cod bixinta.

Inkasto uu shegay in an lagu so tarbiyeen in uu isku dhajiyo Kursiga uu ku fadhiyo oo uu aminsan yahay sharci iyo kala danbeyn aya waxa muuqata in isku dhajin kursi awgeed uu Raiisul Wasaare Kheyre uu so uu abaabulay qorshaha lagu burburinaayo Hay’ada Sharci dajinta dalka.