Xildhibaano Badan oo Akonadodu Lacag Logu Shubay&Kulamo Kala Duwan oo Ay Xukumadu Ka Wada Hotelada Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Iyado kulamo jogta ah ay ka socdan Magaalada Muqdisho hoteeladana ay kulamo ka wadan xildhibaanada taageersan Raiisul Wasaare Kheyre aya waxa sii kordhaya tirada Xildhibaanada ah ee Lacagaha Akoonadodu loga Buxinaayo.

Wararka aya shegaya in xildhibanada ka so jeeda deganada Koonfur galbeed lo shegay in ay Gudomiye Jawaari ka dhaadhacsiyaan in uu is casilo iyado Xukumada Somaaliya ay lacago ku bixineyso.

Gudomiye Jawari aya shalay shegay in uu san is casili donin oo uu donayo in cod lo qaado waxana maanta kulamo is daba joog ah ee ka socdan magaalada muqdisho.

Xildhibano badan aya la shegaya in Kheyre uu balanqaadyo u sameeyay Xildhibanada iyado Madaxweyne Farmaajo uu garab ka helaayo isago siyaasad amusnan ah ciyaaraya balse garab taagan Wiilka Seediga uu u yahay oo awood ahn dalka isaga Gacanta ku heysta.

kulan ay xidhibanada koonfur galbeed lahayeen aya Goordhow l filaaya in ay qodobo ka soo saari doonaan Mooshinka Jawaari iyo Kheyre,Xildhibnadan aya u muuqda kuwa taagersan xukuumada oo taageraya mooshinka.