Xildhibaano amar laga soo saaray in aanay soo gali karin Madaxtooyada

Reading Time: < 1 minute

Taliyaha Amniga Madaxtooyada Cabdixakiin Xasan Macalin Shoolle ayaa amar ku bixiyay in aanay soo gali karin Madaxtooyada Mudanayaal ka tirsan Xildhibaanda JFS oo deggenaa Madaxtooyada.

Agaasimaha Madaxtooyada ayaa amar ku bixiyay kal hore in laga guuro guryaha Madaxtooyada. Laba maalmood ka hor ayaa biyaha iyo korontada laga goostay.

Mar aay caawa fiidkii isku dayeen in aay u soo hoydaan hoygooda ayaa waxaa illinka hore ee Madaxtooyada laga celiyay shan qof oo ka mid ahaa dadkii degenaa Madaxtooyada, waxaana la tusiyay warqad uu ku saxiixan yahay madaxa Amniga Madaxtooyada Cabdixakiin Xasan Macalin Shoolle taasoo fareysa ilaalada Madaxtooyada in aanay soo gali karin.

Shaqsiyaadka caawa laga celiyay illinka Madaxtooyada ayaa kala ah

  • Xuseen Carab Ciise: Xildhibaan ahna Raiisul Wasaare Ku Xigeenkii hore iyo Wasiirkii Gaashaandhiga ee Xilligii Sh Shariif.
  • C/wahaab Ugaas Khaliif: Xildhibaan Raiisul Wasaare Ku Xigeen Hore.
  • C/samad Macalin Maxamuud: Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha.
  • Cabdi Aadan Diiriye: La Taliyaha Raiisul Wasaaraha.
  • Cabdi Cali Xasan. Xildhibaan

Madaxa Amniga ayaa mar dhaw loo magacaabayCabdixakiin Xasan Macalin Shoolle oo aay walaalo yihiin Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada Cabdirasaq Sheekh Maxamuud Shoolle.

[democracy id=”2″]