Xildhibaannada oo u Muuqda inay Qaadanayaan Mas’uuliyadooda Dalka ka saaran

Reading Time: 2 minutes

Kadib markii MW Somaliya Maxamed Cabdullahi Farmajo uu albaabada ka xertay mudanayaasha Barlamanka iyo Shacbiga ayaa Waxay u egtahay inay xildhibaanada baarlamanka hadda garteen awoodooda iyo waxa ya shacbiga uga wakiil yihiin. Waayo haddii MW saxeexo heshiiyo dibadeed oo saameynaya masiirka ummadda waa mas’uuliyadda wax ku yeelanayaan xildhibaanada.

MW Farmajo waxaa la sheegay inuu dhowr heshiis la galay dalalka Itoobiya iyo Erateriya, hasa yeeshee ma yeelin sida RW Itoobiya oo mar waliba Baralamnkiisa ka warsiinayey waxa lagu heshiiyey ama lagu heshiin doona oo wadahadal ku jira. Hasa yeshee MW Farmajo xataa golaha wasiirada ma siiyo wax warbixin ah waxaana uu ku doodaa hawshaan wax badan kama galaan oo dalka anigaa Madaxweyne u ah, shacbigana anigey I rabaan.

Golayaasha shacbiga oo ahayd inay arrintaan ka codsadaan in Madaxweynaha uu horkeeno ayaa muddo ka aamusna mana gudaneynin xilkooda, hasa yeehsee nasiib wanaag golaha ma wada xuma aqoondaari badanba ha iska jirtee, waxaa ku jira waddaniyiin dhowr ah oo fahamaya mas’uuliyaddooda.

Haddaba waxaa hadda muuqata in xildhibaanda golaha ay fahmeen mas’uuliyadooda iyo xaqooda waxayna codsi u soo gudbiyeen Guddoonka Barlamanka in golaha la keeno dhammaan heshiisyadii oo jeebka ku watay MW ee lala galay waddamada dunida, gaar ahaan Itoobiya iyo Erateriya.

Sidaas darted halkaan ka akhriso codsiga iyo xildhibaanada soo gubiyey oo wata dhamaan qodobadan sharci a dhigaya codsiga.