Xildhibaannada Golaha Shacabka oo galaya fasax laba todobaad ah

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa la siiyay fasax laba todobaad ah sababo la xiriira inay soo gutaan Xajka iyo inay ka qeyb qaataan farxadda Maalmaha Ciidul Adxa.

Qoraal kasoo baxay Xoghayaha Golaha ShacabkaCabdikariin Buux ayaa Xildhibaanadda looga codsaday in ay xaadir ku ahaadaan Golaha shacabka maalinta sabtida oo taariikhdu tahay 16 July 2022 si waajibaadkiisa dastuuriga ah Goluhu u guto.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa waxaa horyaalla Shaqooyin ay kamid yihiin ansixinta Golaha Wasiirada uu dhawaan magacaabayo Ra’iisul Wasaaraha dalka Xamsa Cabdi Barre.