Xildhibaankii Wasiir Jamaal ka Iibsaday Xubinnimadiisa Baarlamaanka  oo Xil loo Magacabaay iyo Hanaanka Dowladnimo u muuqda mid God-kusii dhacaayo!!

Reading Time: < 1 minute

Ex-Xildhibaan  Dhahar Cali Faarax oo maalmo uun ka hor ay soo shaac-baxday  in uu iibsaday Kursigii Xubinta Baarlamaanka ka dib markii uu Nus-Malyuun Doolar ka qaatay Wasiirka Wasaarada Qorsheeynta Jamaal Maxamed Xassan ayaa waxaa loo magacaabay Qunsulka Safaarada Soomaaliyeed Ee Jabuuti.

Warqad uu ku saxiixnaa  C/qaadir Axmed Kheeyre oo ah ku sima Wasiirka Arrimaha Dibada Ahna Wasiiru-Dowlaha Wasaaradaasi ayaa lagu sheegay in Dhahar loo magacaabay Qunsulka Jabuuti.

Waxaa la Rumeeysan yahay in Magacaabistaani uu ka  dambeeyo  Wasiirka Wasaarada Qorsheeynta Jamaal Maxamed Xassan oo kaashanaayo R/wasaare Xassan Cali Kheeyre,maadaama uu Booskii Baarlamaanka ka Iibsaday.

Dadka Siyaasada la Socda ayaa waxaa ay arinkaani ku tilmaameen in Dowladnimadii laga dhigay Shirkad hadba Ruuxii la doono laga shaqaaleeysiiyo midna laga ceeyriyo,taasi oo la rumeeysan yahay in ay god kusii rideeyso Jirtaanka Dowladnimo.

Sida ay MUQDIHSO ONLINE horay idinkugusoo daabac-dayba Xildhibaan Hore Dhahar Cali Faarax waxaa uu lacag badan ka qaatay Wasiirka Wasaarada Qorsheeynta Jamaal Maxamed Xassan waxaana arintaan fududeeyay Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!