Qeybtii 2aad: Handadaad iyo Ballanqaadyo ay Villada ku Bilaawday Xildhibaanada Cusub.

Reading Time: 3 minutes

Muqdisho Online ayaa isku dayday inay xiriiro la sameyso qaar ka mid ah xildhibaanada cusub ee kuraasta loo soo boobay, waxaan la xiriirnay ilaa tobaneeyo xildhibaan oo si sir ah noogu warramay, waxaasa yaab leh inay dhammaantood ka korsan yihiin sida ay dad badani u malaynayeen.

Isticmaalka teknolojiyada casriga ah iyo xildhibaanadda oo u badan dhallinyaro leh mustaqbal ka fog kan Farmajo ayaa waxay noo muujiyeen inay yihiin dad wax badan ka badali doona siyaasadda dalka si aan ula tartanno waddamada deriska ah.

Waxay sheekadaan kooban dhexmartay mid kale oo kamid ah xildhibaanada cusub oo ay Kursiga u soo xoogeen Fahad iyo Farmajo, waxyna is weydaarsadeen wadahadalkan Farmajo, Fahad iyo Xildhibaankii 2aad

Fahad: waan ku soo dhoweynayaa waxaana filayaa inaad ogtahay cidda kaa dhigtay xildhibaan iyo in la imaneyso waajibaad?

Xildhibaanka: waan ogahay inaad lacag badan ku bixiseen inaan soo baxo, waana ku mahadsan tihiin.

Fahad: Maxaad Damacsan tahay waxaa noo taalla adag oo u baahan geesinimo, taas oo ah inaan Faramajo soo celino.

Xildhibanka: Waa war fiican, waxaasa dhib iga haystaa qabiilkii aan ka imid oo kala qeybsamay, waxaana rabaa inaan mideeyo, mana maqli karaan MW Farmajo magaciisa xataa, marka maxaan sameyn karaa?

Fahad: Adiga qabiil kuma keenin, shaqana kuguma laha waad ogtahay hawsha dhabta ah ee laguu soo saaray iyo ballantii aan galnay.

Xildhibaanka: Hadda Fahadow haddaan reerkeyga la hadli Karin oo aan dhex tagi Karin sideen yeelaa oo xataa aan gurigeyga ku noqon Karin.

Fahad: Fiiri dalkaan qabiil ma xukumo waad ogtahay haddii aadan is yeelyeeleyn, dhaqaale annaga na weydii oo aad ku kala furfuri kartid reerka laakiin codkaaga mar waliba cidda aad siineyso aniga ayaa kuu sheegaya.

Xildhibaanka: Lacag kaliya maaha waxay ka careysan yihiin dhibaatooyin badan oo jira iyo waxyaabo dhacay sida Ikraan iyo Qalbi Dhagax.

Fahad: Waxaas ciddii sameysay waad ogtahay waa Xasan Kheyre, haddana Nabada iyo Nolol kama tirsana. Sidoo kale Xildhibaan maalintii aan xafiiskeyga idin kula hadlayey waxaan idiin sheegay inaan ballan galeyno oo aan ka shaqeyneyno inaad soo baxdaan adinkoo koox ah, waxaana idiin sheegay in ballanteena oo laga baxaa ay yeelaneyso cawaaqib xun oo adag, marka taas xusuuso, haddana Madaxweynaha ayaa laguu geynayaa ee u xaqiiji inuu codkaaga diyaar u yahay, waana mahadsan tahay.

Farmajo: Xildhibaan ku soo dhowaaw xafiiska Madaxweynaha oo aan filayo markii kuugu horreysay inay tahay. Waxaan kaloo filayaa in Fahad kuu sheegay inay hawl muhiim ah na hortaallo.

Xildhibaanka: Haa Madaxweyne, waana dadaalayaa, laakiin ciida ayaa igu dhagan?

Farmajo: Ciidda maxay rabaa? Dhaqale waa lagu siinayaa wax kale maa jiro?

Xildhibaanka: Mudane haddii aan qalbi furnaan kuula hadlo waxay leeyihiin Farmajo agtiisa kuguma arki karno, xataa qaar ayaa I yiri waa ku dileynaa haddaan agtiisa tagtid.

Farmajo: U sheeg reerka inaan annaga ku keennay  xildhibaanna kalana annaga keennay oo ka shaqeynay lacagna ku bixinnay inay soo baxaan ee dadkooda ma keensan. Ha la gaaro marka aan qabanno doorashoo qof iyo cod ah laakiin hadda annagaa ku keennay kuuna sheegeyna waxa dalkaan u wanaagsan oo ah xukun aan is badbadalin si dalka uu horumar u gaaro.

Xildhibaanka: Mudane haddii aan sidaas ku iraahdo waxaa dhaceysa inay nafteyda khater geliyaan, waayo aad ayey u careysan yihiin, waxayna xataa igu yiraahdeen dadkii u dagaallamay Madaxdtooyada waxay uga tagtay meel cad eek u tusaale qaado adiga afar sano kadib sidaas ayaa lagu yeelayaa, waaba haddaad gaartee.

Farmajo: Fahad waad isa soo aragteen waana kuu sheegay waxa lagaa rabo.

Xildhibaanka: Fahad waxaa uu ii sheegay inuu codkiisa xor u yahay keygana aan xor u ahayn oo haddii aan sidaas sameeyana aan cawaaqib la kulmi doono.

Farmajo: Sidaas maaha, laakiin Fahad waa nin ballanta ku adag ee u fuli wixii aad ku ballanteen si aysan wax dhib ahi u dhicin, reerkana waxaa lala xaalayaa markaan soo noqonno.

Xildhibaanka: Wallaahi Madaxweyne waa dhib in Fahadna uu I cabsiiyo, reerkana ay I cabsiiyaan, mana soo doonteen xildhibaannimo haddiiba aan ogahay inay sidaan tahay.

Farmajo: Aaway Xildhibaanka ha laga furo albaabka.