Xildhibaanadii ugu badnaa oo diyaariyay mooshin ka dhan ah Farmaajo

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Somaliya ayaa diyaariyay Mooshin ka dhan ah heshiisyada Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo uu la galay dowladaha caalamka qaarkood.

Xildhibaanadan oo tiradooda ay gaareyso 10 Xildhibaan ayaa warqad ay qoreen waxa ay ku muujiyeen walaac ay ka qabaan Heshiisyada is afagarad ee lala galay dowladaha Shisheeye,hadaba warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in xildhibaanadu gaareen ku dhawaad 100 Mudane

Xildhibaan C/fataax Ismaaciil Daahir oo ka mid ah xubnaha ku saxiixan Warqadan ayaa sheegay in  ay hor keeni doonaan Golaha Shacabka Mooshinkaasi si baarlamaanka uu uga hadlo.

Mooshinkaani ayaa waxaa uu imaanayaa xili isbadal siyaaadeed uu ka socdo Geeska Afrika, ka dib markii madaxda dalalaka Ereteria, Itoobiya iyo Soomaaliya ay yeesheen wadahadalo maalmo socday oo lagu qabtay Magaalada Bahardar ee dalka Itoobiya,iyo waliba arimo kale oo dowladu ka fashalintay

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!