Xildhibaanadii Ugu Badnaa Ee Labada Gole oo isku Raacay Mooshin ka dhan ah Xassan Cali Kheeyre

Reading Time: < 1 minute

Maalmahii Lasoo dhaafay  waxaa soo Baxaayay Guuxa Mooshin ka dhan Xukumadda R/wasaare Xassan Cali Kheeyre ka dib markii la xaqiijiyay in ay ku fashilantay Howlaha loo Igmaday Ee ah U Adeegida Danta Guud Ee Qaranka.

Warar ay heshay Muqdisho Online ayaa waxaa ay sheegayaan in Taradii Ugu Badneed Ee Xildhibaanadda Labada Aqal ayaa kusoo Qulqulaya Magaalada Muqdisho Kuwaasi oo u diyaarsan in ay Hirgaliyaan Mooshin ka dhan ah Xukumadda R/wasaare Xassan Cali Kheeyre.

Xildhibaanadda Labada Aqal ayaa waxaa ay yeesheen Kullan hor-dhac  oo ay uga hadlayaan Falalka Guracan oo ay ku kaceeyso Xukumadda R/wasaare Xassan Cali Kheeyre.

Kulamada Ugu Horeeya Ee Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in go’aan looga gaaro mooshinka ka dhanka ah Xukumadda R/wasaare Kheeyre.