Xildhibaanadii iyo Siyaasiyiintii Daganaa Madaxtooyadda oo Caawa laga jaray Korontadii iyo Biyihii, Sababta?

Reading Time: < 1 minute

Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada Cabdirasaq Shoolle ayaa amar ku bixiyay in Xildhibaano iyo Masuuliyiin Dowladeed oo daganaa Madaxtooyadda Somalia jaro Korontadda iyo Biyiha, kadib markii ay diideen inay ka guuraan Dhismayaasha Gudaha Madaxtooyo.

Illo Wareedyo ku sugan Madaxtooyo ayaa Muqdisho Online u xaqiijiyay in Caawa ay Mugdi iyo Biyo La’aan hoyanayaan Masuuliyiin Dowladeed oo u badan Xildhibaano kuwaasoo Amni biday Gudaha Madaxtooyo, halkaasna Muddo daganaa. Waxaana Amarka looga jaray Biyaha Korontadda bixiyay Agaasinka Madaxtooyo.

Warqad uu ku saxiixnaa Agaasimaha Madaxtooyadda, Fahad Yaasiin oo ku taariikhaysnayd 6-dii Bisha August ayaa lagu amray in la baneeyo Madaxtooyo, iyadoo loo qabtay 14 Maalmood oo ku ekeyd 22 August, Waxaana Amarkaasi uu si toos ah u khuseeyay Xildhibaanadda, Masuuliyiinta Dowladeed, Xafiisyadda Hay’adaha Dowliga ah ee Dagan Madaxtooyo, iyadoona loo sababeeyay Amarka ka guuritaanka inay la xiriirto Dib u Dhis lagu samaynayo Madaxtooyo, Balse inta badan Masuuliyiinta halkaasi daganaa dhagaha ayeey ka furaysteen Amarkaasi, iyagoo u sababaynayay inaysan u diyaarsanayn meel ay u gaaraan iyo Ciidan Amnigooda illaalinaya toona.

Waa Markii ugu horaysay ee Madaxtooyadda laga saaro Masuuliyiin Dowladeed, balse Amarkan ma quseeyo Masuuliyiinta cusub ee hadda soo dagay Madaxtooyadda.

Haddaba waa Kuwee Masuuliyiinta Caawa laga jaray Biyaha iyo Korontaadda,?

  1. Xuseen Carab Ciise: Xildhibaan ahna Raiisul Wasaare Ku Xigeenkii hore iyo Wasiirkii Gaashaandhiga ee Xilligii Sh Shariif.
  2. C/wahaab Ugaas Khaliif: Raiisul Wasaare Ku Xigeen Hore.
  3. C/samad Macalin Maxamuud: Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha.
  4. Cabdi Aadan Diiriye: La Taliyaha Raiisul Wasaaraha.
  5. C/laahi Goodax Barre: Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha.
  6. Maxamad Xasan Aadan: Wasiir Hore.
  7. Macalin Maxamuud: Hogaamiyaha Ahlusunna.
  8. Samiiro Ibraahim Cumar: Xildhibaan ahna Wasiir Ku Xigeen.
  9. Col Axmad Cumar Jees: Sarkaal hore oo Milatari ah.
  10. Sahro Samatar: Wasiir Hore.
  11. Maxamad C/laahi: Kaaliyaha Madaxwaynaha
  12. Axmad Caynte: Madaxa ACU (Aid Co-coordinator Unit).